Xoghayaha Gollaha sare ee Amniga Iran Oo War kasoo Saaray Marin Biyoodka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read

Ali Larijani, xoghayaha Gollaha sare ee amniga Iran ayaa ka digay in xaaladda ka jirta marin biyoodka Hormuz ay marayso marxalad xasaasi ah.

Qoraal uu ku daabacay barta X maalintii Talaadada, Larijani wuxuu sheegay in marin-biyoodkan muhiimka ah uu noqon karo waddo nabad iyo barwaaqo, ama uu isu beddeli karo meel dhib badan oo dhibaato u horseeda kuwa dagaalka hurinaya.

Larijani ayaa fariintiisa ku baahiyay luqado badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan Ingiriisi, Shiineys, Carabi, Faarisi, Faransiis iyo Ruush, si uu u muujiyo muhiimadda caalamiga ah ee marin-biyoodkan.

Marin biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta adduunka, maadaama qayb weyn oo ka mid ah shidaalka iyo gaaska caalamka ay ka gudbaan halkaas.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.