Xoghayaha Gollaha sare ee Amniga Iran Oo War kasoo Saaray Marin Biyoodka Hormuz

Ali Larijani, xoghayaha Gollaha sare ee amniga Iran ayaa ka digay in xaaladda ka jirta marin biyoodka Hormuz ay marayso marxalad xasaasi ah.

Qoraal uu ku daabacay barta X maalintii Talaadada, Larijani wuxuu sheegay in marin-biyoodkan muhiimka ah uu noqon karo waddo nabad iyo barwaaqo, ama uu isu beddeli karo meel dhib badan oo dhibaato u horseeda kuwa dagaalka hurinaya.

Larijani ayaa fariintiisa ku baahiyay luqado badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan Ingiriisi, Shiineys, Carabi, Faarisi, Faransiis iyo Ruush, si uu u muujiyo muhiimadda caalamiga ah ee marin-biyoodkan.

Marin biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta adduunka, maadaama qayb weyn oo ka mid ah shidaalka iyo gaaska caalamka ay ka gudbaan halkaas.

Related posts

Imaaraadka:-Diyaaradaha Dronka Iran Oo Duqeeyay Warshad ugu Wayn Bariga Dhexe Ee Shidaalka sifeeysa

Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti Oo soo Saartay Digniin Amni.

Mareykanka Oo Shaaciyay in 140 askari oo Mareykan ah Lagu Dhaawacay Dagaaka Iiraan