Xoghaye Rubio Oo Shirkii Amniga Munich ka Cadeeyay Xiriirka Yurub Iyo Maraykanka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa ka sheegay Shirkii Amniga Munich in Mareykanku sii wadi doono xiriirka dhow ee uu la leeyahay Yurub, inkastoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu doonayo dib-u-habeyn lagu sameeyo isbahaysiga Trans-Atlantic.

Rubio wuxuu adkeeyay in Mareykanku had iyo jeer ahaan doono ilmo ka mid ah Yurub, isaga oo sheegay in labada dhinac ay si wadajir ah u saxayaan khaladaadkii ka dhashay nidaamkii caalamiga ahaa ee ka dambeeyay Dagaalkii Qaboobaa.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku baaqay dib-u-soo-nooleynta kalsoonida Mareykanka iyo Yurub, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi uu ku eedeeyay dalal gaar ah inay wiiqeen wada shaqeynta caalamiga ah.

Related posts

Israel oo ansixisay soo jeedin lagu diiwaangelinayo dhulalka Daanta Galbeed (West Bank) inay yihiin “hanti dowladeed”

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.