Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay lacagaha lagu bixiyo ciidanka si ay sare ugu sii qaadaan adkaynta Amniga iyo gudashada waajibaadka kale ee laga rabo.
Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in horay ciidamada lagu bixin jiray lacag dhan $170 Milyan oo doollar balse hadda la kordhiyay lana gaarsiiyay $270 Milyan oo Doollar.
“Ciidanka waxaa hore loogu qarash gareyn jiray $170 Milyan, balse hadda waxaa Xukumadda ku bixisaa in ka badan $270 Milyan, inta ay xukuumaddaan jirtay weeye isbaddelkaan yimid, ciidan cusub ayaa la qoray oo isugu jira Booliis & Militari” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.
Saalax ayaa arrintaan uga jawaabayay hadallada kasoo yeeray Mucaaradka ku shiray Magaalada Kismaayo ee sheegay in aanay amni ka jirin Magaalada Muqdisho, waxa uu ku sifeeyay in waxba kama jiraan looga dhigayo dedaalka Ciidamadu geliyeen Amniga Caasimadda.
