Heemaal News Network

Zelensky Oo ka Hadlay Qorshaha Nabadda ee Dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa daboolka ka qaaday faahfaahinta heshiis qabyo ah oo lagu dhameynayo dagaalka Ukraine kaas oo Mareykanka lagala xaajooday iyadoo hadda Moscow ay dib u eegsi ku sameyneyso.

Dokomentiga ka kooban 20-ka qodob waxaa ku jira in Mareykanka, NATO iyo Yurub ay damaanad qadayaan ammaanka Ukraine.

Zelensky ayaa sheegay in aan weli la xalin su’aasha ku saabsan dhulka. Wuxuu muujiyay in uu diyaar u yahay in la sameeyo dhul militeriga ka caagan oo ay kormeeraan nabad ilaaliyayaal.

Mr Zelensky wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyada ay ku dhow yihiin gabogabeyta dokomentiyada heshiiska. Mosocw ilaa hadda waxay muujisay in aysan diyaar u aheyn xeer-jajab.

Ruushka waxay ku adkeysanayaan in Ukraine ay dib ugu baxdo ugu yaraan rubuc dhulkeeda bariga gobolka Donetsk si ay nabad ugu badalato. Inta kale ee dhulka waxaa hore u haystay Ruushka.

Qodobada kale ee heshiiska waxaa ku jira in Ukraine ay doorasho qabato kaddib marka heshiiska la saxiixo.