Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warqabto war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).
Dowladdu waxay caddeysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay warbixinnadaasi ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, oo ay ku jirto kaalmada ay bixiso Dowladda Mareykanka.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in bakhaarka WFP ee arrinta laga hadlayo uu ku yaallo gudaha Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qeyb ka ah horumarinta guud ee dekedda. Dowladda ayaa xaqiijisay in hawlahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan kaydinta, maamulidda, ama gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.
Iyadoo laga jawaabayo walaacyada ka dhashay hawlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay si joogto ah u eegayaan guddi farsamo oo isugu jira hay’ado kala duwan, kuwaas oo si dhow ula shaqeynaya hay’adaha gargaarka bani’aadannimo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimada, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka, waxayna muujisay qiimeynta ay u hayso iskaashiga ay la leedahay Dowladda Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Dowladda ayaa ballan-qaadday in warar dheeraad ah la bixin doono marka dib-u-eegista arrintan la soo gabagabeeyo.

Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

