Waxaa soo baxaya cadaymo muujinaya in aan la dhicin wax gargaar ah oo yaalay magaalada Muqdisho balse arrinta burburinta bakhaarka WFP ay kooxda ololaha siyaasadeed ee Trump u adeegsadeen weerar iyo eedayn ka dhan ah Soomaalida oo ay mudooyinkanba wadeen.
Afhayeenka Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqaynayso DFS si wax looga qabto xaaladda loona hubiyo badbaadada iyo kaydinta cuntada, kaddib burburinta bakhaarka loo yaqaan “blue warehouse”.
Bakhaarkaasi waxa ku jiray 75 tan oo cunto nafaqo gaar ah leh, oo loogu talagalay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, gabdhaha, iyo carruurta yaryar ee ay hayso nafaqo-darro.
WFP ayaa sheegtay in bakhaarku uu ahaa mid aad muhiim ugu ahaa hawlgallada degdegga ah, xilli ku dhowaad rubuc ka mid ah dadka Soomaaliya qiyaastii 4.4 milyan oo qof cunto yari.
Qoraal rasmi ah oo wareejin shixnad ah oo ka yimid Maamulka Dekedda Muqdisho, kuna taariikhaysan 7 bishaan isla markaana ay aragtay Reuters, ayaa caddeynaya in WFP ay si buuxda ula wareegtay cuntada, taas oo horay looga raray bakhaarka buluugga ah loona wareejiyay bakhaar kale.
Qoraalkaas, oo ay ku cadahay in la wareegida uu saxiixay mas’uul ka tirsan WFP Soomaaliya, ayaa xusay in hay’addu ay xaqiijin doonto qaadashada kama dambaysta ah ee cuntada marka baaritaan shaybaar lagu hubiyo inay ku habboon tahay isticmaalka aadanaha.
Sidoo kale, warqad loo diray agaasimaha WFP ee Soomaaliya, ayaa muujinaysa in Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ay bishii Nofeembar si rasmi ah ugu wargelisay WFP in bakhaarka laga guuro ugu dambayn 31-ka Diseembar, taas oo la xiriirta qorshe lagu balaarinayo xafiisyada dekedda.
Arrintan ayaa muujinaysa in rarista cuntadu ay ahayd mid sharci iyo qorshe hore ku salaysan, ee aanay ahayn dhac ama musuq.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula socoto war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriiray eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).
Bayaan ay soo saartay dowladda ayaa lagu caddeeyay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay wararkaasi ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, isla markaana ay ku jiraan kaalmooyin ay bixiso Dowladda Mareykanka.
Dowladda ayaa meesha ka saartay wax kasta oo muujinaya in agabkaasi laga farageliyay ama laga leexiyay ujeeddooyinkii loogu talagalay.
Dowladdu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay in bakhaarka WFP ee la hadal-hayo uu ku yaallo gudaha aagga Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qayb ka ah qorshaha horumarinta dekedda, Sida lagu sheegay bayaanka, hawlahaasi wax saamayn ah kuma yeelan haynta, maamulidda, ama gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo.
Dhanka kale, doodda arrintan ku saabsan ayaa ku soo beegantay xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya Washington iyo Muqdisho.
Maamulka Trump ayaa qaatay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah, taas oo ay ka mid tahay mamnuucid lagu soo rogay muwaadiniinta Soomaaliya iyo baaritaanno lagu sameynayo kiisaska socdaalka ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Tallaabooyinkan ayaa loo arkay kuwo si gaar ah u bartilmaameedsanaya Soomaalida, halka arrinta bakhaarka WFP-na loo adeegsaday dacaayad siyaasadeed oo lagu xoojinayo weerarkaasi.
HOOS KA DAALACO QORAALKA DOWLADU HOREY UGU DIRTAY WFP


Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

