Warbaahinta i24 news ayaa ku warrantay in uu meel geba geba ah marayo heshiis dhex mari doona dalalka Suuriya iyo Israel kaas oo ka dhici doona magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Heshiiskan oo gadhwadeen ay ka tahay dawladda Maraykanku ayaa labada dhinac ku saxeexi doonaan heshiis amni, mid dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed oo si kama dambaysa ah u soo afjara ah xiisaddii Suuriya iyo Israel.
Labada dhinac arrimaha ay ka heshiin doonaan waxa ka mid ah;
1-In Israel joojiso is fidinta ay ku samaynayso gudaha Suuriya.
2-In Israel safaarad ka furan karto magaalada Dimishiq lana sameeyo xidhiidh diblumaasiyadeed oo toos ah.
3- In la sameeyo iskaashi dhinac horumarka ah oo ku wajahan deegaannada xuduudaha u ah labada dhinac.
4-In la sameeyo iskaashi amni oo buuxa meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo duullan ku ah danaha labada dhinac.
Suuriya ayaa muddo dheer ka mid ahayd waddamada diiddan in ay aqoonsadaan Israel lana sameeyaan iskaashi Diblumaasiyadeed waxase hadda muuqata in ay wada galeen heshiis arrinkaas lagu soo afjarayo laguna samaynayo bog cusub oo labada dhinac u dhexeeya.

