Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub oo booqasho ku yimid dalka. Wafdiga waxaa hoggaaminayay General Seán Clancy, waxaana ka mid ahaa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo sare.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo xasilloonida dalka. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu wafdiga la wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada iyo sida amniga guud uu u soo hagaagayo.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta dimuqraadiyadda iyo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda doorashada hoggaankooda. Wafdiga Midowga Yurub ayaa dhankooda ballan qaaday taageerada hey’adaha amniga, tababbarka ciidamada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyagoo sidoo kale soo dhoweeyay gogosha wadahadal ee ay fidisay xukuumaddu.