Shirkadda Lufthansa Oo Kordhisay Xayiraadii Ay Ku Soo Rogtay Duulimaadyaddeeda Israaiil

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Shirkadda  Lufthansa ayaa maanta sheegtay inay sii wadi doonto joojinta duulimaadyada habeenkii ee ka imanaya kuna socda Tel Aviv ilaa 3-da Febraayo, isla markaana ay sii wadi doonto ka fogaanshaha hawada Iiraan iyo Ciraaq.

“Ilaa Talaadada, 3-da Febraayo, duulimaadyada  Lufthansa ee Tel Aviv ka imanaya kana baxaya waxay noqon doonaan duulimaadyo maalmeed,” ayuu afhayeen shirkaddu u sheegay Anadolu. “Tani waxay ka dhigan tahay in shaqaalaha duulimaadka ayna u hoyanayn Tel-avivi.”

Shirkadda diyaaradaha ee Jarmalka ayaa sidoo kale joojisay dhammaan duulimaadyadii tegi lahaa Tehran ilaa 28-ka Maarso, oo ah dhammaadka jadwalka duulimaadyada xilliga jiilaalka, iyadoo sabab uga dhigtay arrimo hawlgal. Inkastoo diyaaradaha Kooxda Lufthansa ay weli ka fogaanayaan hawada Iiraan iyo Ciraaq, haddana waxaa mar kale la adeegsan karaa qayb ka mid ah hawada Baxrayn.

Afhayeenku wuxuu sheegay in shirkaddu si dhow ula socoto xaaladda gobolka, isla markaana ay dib u qiimeyn doonto xaaladda maalmaha soo socda. Rakaabka ay arrintani saameysay si toos ah ayaa dib loogu qori doonaa duulimaadyo kale, waxaana lala soo xiriiri doonaa sida ugu dhakhso badan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.