Xildhibaannada iyo wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi, gaar ahaan Waqooyi Bari iyo Awdal, ayaa qaadacay aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka Somaliland.
Warsaxaafadeed ay soo saareen, waxay ku cambaareeyeen xiriirka Israa’iil la yeelatay maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay in aqoonsigaasi uu khatar ku yahay madax bannaanida Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Israa’iil inay xadgudub kula kacaday midnimada iyo gobanimada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay u digeen maamulka Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo ku eedeeyay caburin iyo dhibaato ku wajahan dadka diidan aqoonsiga Israa’iil,
Halkan ka daawo iyaga oo ka hadlaya arinkan.