Wasiiradda arrimaha dibada Masar iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u muujiyay mowqif adag oo ay kaga soo horjeedaan aqoonsi kasta oo Israa’iil ama cid kale siiso “Somaliland”, iyagoo ku tilmaamay tallaabo si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Arrintan ayaa lagu caddeeyay wicitaan taleefan oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Cabdulcaati, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladaha ka soo kordhaya Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in aqoonsi kasta oo lagu sameeyo Somaliland uu halis ku yahay nabadda iyo amniga gobolka iyo kan caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo xasilloonida Geeska Afrika. Waxay si cad u sheegeen in mowqifkan ay sidoo kale wadaagaan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dhammaan dalalka gobolka.
Masar iyo Turkiga ayaa mar kale adkeeyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in laga fogaado tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya ama carqaladeynaya dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in dhammaan arrimaha la xiriira Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni u adeega shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

