Dowladaha Turkiga iyo Somaliya Oo Qorshaynaya In Saldhig Milatari Laga Furo Dekada Laas-qoray

by Heemaal News

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya muddo dheer ayay qorsheynayeen in ay saldhig milatari ka furaan Las Qoray, Deked si toos ah ugu xiran Badda Cas oo ku taalla maamulka Cusub ee Waqooyi bari, kaas oo kaas oo ka taliya ku dhawaad 45% dhulka ay Somaliland sheegato.

Kani Torun, oo ahaa wakiilka Ankara ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014, ayaa sheegay in Turkiga uu gaaray heshiis afka ah oo ay la galayso Muqdisho si saldhig noocaas ah iyo deked yar oo agteeda ku dhow loo dhiso, inkastoo mashruucaasi uusan hirgelin. Hada waxa uu ku jiraa qodobada miiska saaran.

Balse waxaa jira caqad wayn taas oo ah in Puntland aysan ogolaan doonin Laasqoray oo ay u aragto in uu hoos tagto dhulkeeda. Dhawaan Puntland ayaa ciidamo u dirtay deegaankaas isku jira ilaalada xeebaha iyo ciidamo kale.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.