Saxaafiyiinta Isra’iil ee qorsheynayay in ay booqdaan Hargeysa, caasimadda Somaliland, ayaa la kulmay caqabado aan la filayn kadib markii Isra’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay gobolka gooni u goosadka ah ee Somaliland.
Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa ka dalbaday saxaafiyiinta inay marka hore helaan fiiso ay bixiso dowladda Soomaaliya evisa sida ay sheegtay Warbaahinta Midde East Eye.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u soo rogtay barnaamijka Evisa Sidaas darteed, qof kasta oo u safreeya Somaliland weli wuxuu u baahan yahay fiiso ay bixiso dowladda Soomaaliya.
Suxufiyiinta ayaa doonayay in ay diyaariyaan warbixino ku saabsan Somaliland iyo sida ay u arkaan aqoonsiga.
Tani waxay muujinaysaa in go’aanka Isra’iil ee xiriirka diblomaasiyadeed la yeelashada Somaliland uu wajahayo caqabado ka jira gobolka, iyadoo sharci ahaan iyo diblomaasiyad ahaan aanay weli ku habboonayn xaaladda gobolka.

