Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Aqoonsiga Somaliland

by Heemaal News

Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kulan degdeg ah oo loo qabtay arrintaas awgeed, halka dalal dhowr ah ay sheegeen in tallaabadan ay sidoo kale yeelan karto cawaaqib halis ah oo ku saabsan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Mareykanka ayaa ahaa xubinta keliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan cambaareyn aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland, intii lagu jiray kulanka degdegga ah ee ka dhacay magaalada New York, inkasta oo uu sheegay in mowqifkiisa ku aaddan Somaliland uusan wax isbeddel ah ku imaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, ayaa ka codsaday xubnaha golaha inay si adag u diidaan waxa uu ku tilmaamay “fal gardarro” ay Israel ku kacday, taas oo uu sheegay in aysan oo keliya khatar ku ahayn kala-qaybsanaanta Soomaaliya, balse sidoo kale wiiqi karto xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada Badda Cas.

Danjire Abuukar Cismaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka walaacsan tahay in tallaabadan looga dan leeyahay hirgelinta qorsheyaal ay Israel doonayso inay si khasab ah ugu rarayso dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza si ay u gayso Somaliland.

Kulankan degdegga ah ayaa la isugu yeeray kaddib markii Israel toddobaadkii hore noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.
A
14 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israel ee Somaliland, halka Maraykankuna uu difaacay tallaabada Israel balse uusan gaarsiinin heer uu raaco tusaalaha Israel.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.