Madaxweyne Erdugan oo shir jaraaiid uu wada-jir ula qabtay madaxwanaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku Sheegay in qodista shidaalka dalka Somaliya la bilaabi doono sanadka 26-ka.
Waxaan qorshaynaynaa in hawlaha qodista si rasmi ah loo bilaabo sanadka 2026. Haddii Eebbe idmo, tallaabooyinkani waxay wax weyn ka tari doonaan horumarinta nolosha iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale la wadaagayaa war farxad leh shacabka Turkiga iyo kuwa Soomaaliyeed. Turkigu wuxuu hawlgeliyey laba markab oo cusub oo qodista ah, kuwaas oo kala ah Çarebay iyo Yıldırım. Mid ka mid ah maraakiibtaasi wuxuu ka howlgeli doonaa biyaha Soomaaliya, halka kan kalena uu ka shaqayn doono Badda Madow. Arrintani waxay Turkiga ka dhigtay quwadda afraad ee ugu weyn dunida marka la eego awoodda ciidan-badeedka.
Dhanka kalluumaysiga, Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis muhiim ah oo kor u qaadaya iskaashiga labada dal. Heshiiskan wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta awoodda farsamo ee Soomaaliya, isla markaana lagu xakameyn doono kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaan bilaabaynaa iskaashi istiraatiiji ah oo ku saabsan hawada sare. Sida ku cad heshiiska la saxiixay, waxaa Soomaaliya laga dhisi doonaa deked hawada sare ah (Space Port), mashruucan oo ka kooban saddex marxaladood. Marka wejiga koowaad la dhammeeyo, Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa bilaabi doonta dhismaha kaabayaasha lagama maarmaanka ah, taas oo Soomaaliya u horseedi doonta horumar dhinaca tiknoolajiyada casriga ah.

