Somaliland Oo si Adag u Cambaaraysay Tallaabadii uu Qaaday Wakiilka Somaliya Ee Qarammada midoobay

by Heemaal News

Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii uu Wakiilka maamulka Soomaaliya u fadhiya Qarammada midoobay uu ku dafiray xasuuqii, dilwareedkii iyo iskudaygii isir safaynta ahayd ee ciidammadii dalkaasi u geysteen shacbiga Somaliland sannadkii 1988-kii.

Sidaas waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay si weyn ugu mahadnaqday Wakiilka joogtada ah ee dawladda Israel u fadhiya Qarammada midoobay oo fagaare ka caddeeyay xasuuqii iyo tacaddiyadii Ciidammada Soomaaliya u geysteen shacbiga Somaliland. Waxaannu u qornaa warsaxaafadeedkaasi sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa si qoto dheer ugu mahadcelinaysaa Wakiilka Joogtada ah ee Dawladda Israa’iil u fadhiya Qarammada Midoobay oo si cad u yaqiinsaday xasuuqii iyo tacaddiyadii ay xukuumaddii Soomaaliya u geysatay shacabka Somaliland sannadkii 1988-kii.

Sidoo kale, Dawladda Somaliland waxa ay bogaadisay Wakiil-ku-xigeenka Dawladda Maraykanka u fadhiya Qarammada Midoobay, hadalladeeda si muuqata u muujiyey kaalinta Somaliland iyo mawqifkeeda shariifka ah ee ay kaga jirto bulshada caalamka.

Hadalkaasi waxa uu iftiiminayaa daacadnimo, caddaalad, iyo ixtiraam dhab ah oo loo hayo xaqiiqooyinka taariikheed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaareynaysaa dafiraada uu Wakiilka Soomaaliya ku diiday xasuuqii, dil wadareedkii iyo isku-daygii isir sifaynta ahaa ee ka dhacay Somaliland sannadkii 1988-kii.

“Dambiyadan Soomaaliya geysatay ayaa si buuxda loo diiwaangeliyey, isla markaana loogu aqoonsan yahay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Waxa kaloo warku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhisan tahay sharciyad taariikheed, maamul wax ku ool ah, soohdimo qeexan, iyo rabitaan xor ah ee ay muujiyeen shacabkeedu.

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku ladhay in Somaliland oo markii hore la ictiraafay sannadkii 1960-kii, ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 1991-kii oo ay tahay dal masuul ah oo dhiirrigeliya nabadda isla markaana u heellan tahay sugida amniga, dimuqraaddiyadda iyo iskaashiga gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.