31
Shir golaha wasiirrada Sacuudiga oo uu guddoomiyay Boqor Salmaan ayaa maanta si rasmi ah u diiday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Riyadh ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan iyo xubnaha golaha wasiirradu ay mar kale xaqiijiyeen taageerada buuxda ee Boqortooyada Sacuudiga u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in Soomaaliya tahay dal midaysan oo aan la kala qaybin karin.

