Heemaal News Network

Golaha Wakiillada Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga yimid Madaxweyne Siciid Deni

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maantq ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)

Dhinaca kale, waxaa Golaha wakiillada maamulka Puntland warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada SSC Khaatumo Oo Duleedka Ceerigaabo Dugsi Tababar Looga Furay.

Heemaaln

Madaxweynaha SSC “Yaan la kala jeclaan Baddeena iyo Barigeena,Badda la Qaatay-na waxaa ka Daran..”

Heemaal

Madaxwaye Xasan Sheekh Oo Caawa l Kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Heemaaln