Mareykanka Oo Qabtay Markab Uu Ruushka Leeyahay Oo Shidaal kasoo Qaaday Venezuela

by Heemaal
1 minutes read

Mareykanka ayaa qabtay markab lagu magacaabo Marinera oo watay calanka Ruushka kaas oo dalka Venezuela ka qaaday shidaalkii uu Mareykanku cunaqabateynta saaray.

Ruushku arintaa si wayn buu uga xanaaqay wuxuuna halkaasi udirey Gujis dagaal oo ay weheliyaan maraakiib dagaal, balse kahor inta aysan gaadhin wuxuu markabkii ku dhacay gacanta ciidanka Mareykanka.

Mareykanku wuxuu isku dayayaa inuu caalamka udiro fariin adag oo uu muujiyo in Cunaqabateynta Mareykanka ay la socoto awood ciidan. Ruushkuna waxa uu doonayaa inuu caalamka tuso inuu leeyahay awood buuxda oo danihiisa gobolka uu ku difaacan karo.

Arintii hada waxay isku badashay tartan awoodeed oo u dhexeeyay quwadaha waawayn, khalad yar oo dhacana waxa uu sababi karaa dagaal lagu hoobto oo dhexmara labada quwadood ee Dunida ugu awooda badan.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.