Maraykanka oo Dib u Eegis ku Sameynaya Dadka si Qiyaano ah ku Qaatey Dhalashada Maraykanka

by Heemaaln Heemaaln

Dowladsa Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameyneysa kiisaska socdaalka iyo jinsiyad-qaadashada ee la xiriira muhaajiriin ka yimid 19 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo hubiyo in dad ka mid ahi ay helaan jinsiyadda Mareykanka si khiyaano ah, taasoo keeni karta in laga laabto jinsiyaddaas, sida DHS u xaqiijisay Fox News.

“Sharciga Mareykanka wuxuu dhigaya in haddii qof uu jinsiyad ku helo khiyaano, ay taasi sabab u noqon karto in laga qaado jinsiyadda,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha waaxda Caddaaladda ee DHS, Tricia McLaughlin, bayaan ay siisay Fox News.

newsinsideDib u eegistan waxay diiradda saaraysaa in khiyaano ay ka dhacday intii lagu jiray habraaca socdaalka ama jinsiyad-qaadashada, sida guur been ah ama bixinta xog aan sax ahayn si loo helo sharci deggenaansho ama jinsiyad.

DHS waxay carrabka ku adkeysay in ka qaadista jinsiyadda ay tahay geeddi-socod sharciyeed oo aad u adag, islamarkaana lagu dabaqo oo keliya xaalado xaddidan.

Dib u eegistu waxay khuseysaa kiisaska la xiriira 19 dal oo DHS u aragto dalal walaac laga qabo, kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya. DHS ma sheegin tirada kiisaska hadda la baarayo ama in dad loo gudbiyay dacwado ka qaadis jinsiyadeed.

Ka qaadista jinsiyadda waa arrin dhif ah oo sharci ahaan aad u culus. Taariikh ahaan, dowladda federaalka waxay sanad walba qaaddaa tiro aad u yar oo kiisas ah, tan iyo sagaashamaadkii.

Xeer-ilaaliyeyaasha waa inay caddeeyaan in jinsiyadda si sharci-darro ah lagu helay, waxaana caddaynta looga baahan yahay heer sare oo mararka qaarkood qaata sanado badan si loo dhameeyo dacwadda.

Dabagalka arrintan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa iyadoo Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada (HHS) ay joojisay bixinta lacagaha daryeelka carruurta ee Minnesota, kadib eedeymo la xiriira khiyaano ay sameeyeen xarumo xanaano carruur oo badan.

DHS ma bixin jadwal cad oo ku saabsan muddada ay qaadan doonto dib u eegistu, mana sheegin in kiisaska ka qaadista jinsiyadda la filayo inay dhaqso u socdaan.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.