Qoraalo Sir ah oo laga Helay in Mashruuca Somaliland Ee Yahuudda Uu Socday 80 sano.

by Heemaaln Heemaaln

raalo sir ah oo la helay ayaa waxaa ay tilmamayaan ”Somaliland in ay ahayd mashruuc yahuuddeed oo soo socday 80 sano”. Yahuuddu waxaa ay somaliland u arkaan dhulkoodii labaad ee falastiin kadib.

Dadka aan English-ka aqoonin, Terjumada qoraalka waa sidani hoos ku qoran waxaa la qoray 1942;

“Soo jeedintaydu waa in la mideeyo dhulka loo yaqaan Xarar (Harrar) ee Itoobiya iyo qayb ka mid ah British-Somaliland, Si loo sameeyo dawlad loogu talagalay Yahuudda Yurub.

Dhulkani wuu weyn yahay; Aad ayey u fududaan doontaa in loo qoondeeyo dadka yahuudda 60,000 ilaa 70,000 mayl oo laba jibaaran. Dhulkan waxaa ku nool dad yar oo beeraley ah, kuwaas oo aan laga yaabin in ay dhibaatooyin waaweyn abuuraan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la xasuusto duruustii laga bartay waayo-aragnimadii Falastiin, taas oo ah, in laga hortago in dad ka yimid qaybaha kale ee Itoobiya ay qabsadaan dhulka iyo in laga ilaaliyo kicin-wadayaasha shisheeye.

Cimilada banka sare (plateau) waa mid caafimaad qabta oo ku habboon dadka reer Yurub. Qaybaha xeebta Soomaaliya ee cimiladoodii ay xun tahay waqti la qiyaasi karo ayaa lagu hagaajin karaa iyadoo la isticmaalayo waraabka.

Dhulka Xarar wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay beeraha, sidaas darteedna wuxuu ku habboon yahay dadka (yahuudda) soo-galootiga tirada badan. Waxay suuqyo diyaarsan u heli doontaa wax soosaarkeeda beeraha iyo waxsoosaarkeeda warshadaha gudaha Afrika, waddamada Carabta iyo qaybo ka mid ah Hindiya.

Siyaasad ahaan, dhulalkani waxaa ay ka tirsan yihiin, sida hore loo sheegay, Ingiriiska (Great Britain) iyo Boqortooyada Itoobiya.

Bishii Luulyo 1935, Dawladda Ingiriisku waxay u soo jeedisay Boqorka Itoobiya in dekedda Saylac (Zeila) iyo qaybo kale oo ka mid ah British-Somaliland in lagu wareejiyo isaga haddii uu diyaar u yahay inuu tanaasul gaar ah u sameeyo Talyaaniga.

Sidaa darteed, Dawladda Ingiriisku waxaa ay diyaar u noqon kartaa inay qayb aad u weyn oo ka mid ah Somaliland iyo dekedda Berbera ay ku wareejiso dawladda Yahuudda Yurub ee aan maskaxda ku hayno.

Xigasho: Abdirashid Ahmed Sheikh. Aragtiyaha lagu muujiyey maqaalkan waa kuwa qoraaga u gaar ah, kamana tarjumaayo mowqifka tifaftirka ee Inside Somalia.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.