Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa ayaa dadaal diblumaasiyadeed oo xooggan ka billowday caasimadda Itoobiya, kaddib markii ay kulan gaar ah la yeelatay safiirrada waddamada Carabta u fadhiya dalkaas. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii ay wadajir uga shaqeyn lahaayeen istiraatiijiyad diblumaasiyadeed oo lagu wajaho tallaabada ay ISR|L shaacisay ee la xiriirta aqoonsiga Somaliland, taasoo ay Soomaaliya si adag uga soo horjeeddo.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay safiirrada Carabta ka codsatay in ay saameyntooda siyaasadeed iyo midda diblumaasiyadeed ku adeegsadaan, si cadaadis loogu saaro xukuumadda Itoobiya, loogana dhaadhiciyo in ay ka laabato ama ay diido aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, maadaama ay Soomaaliya u aragto arrintaasi mid xadgudub ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Intii uu kulanku socday, safiirrada waddamada Carabta ayaa muujiyay in ilaa iyo hadda aysan helin wax war ah ama mowqif cad oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo la xiriira arrintan. Tani, sida ay sheegeen, waxay muujinaysaa in mawduuca aqoonsiga Somaliland uu weli ku jiro heer wada-tashi, qiimeyn iyo xisaabtan siyaasadeed, isla markaana uusan gaarin go’aan kama dambeys ah.
Dhanka kale, ilo-wareedyo diblumaasiyadeed oo xog-ogaal ah ayaa u sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay Addis Ababa ku kulmeen wufuud ka kala socotay saddex dal oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood kulammo gaar gaar ah uga hadlayay galka Somaliland. Ilahaasi waxay tilmaameen in wufuuddaasi ay wateen aragtiyo aad u kala duwan, qaar taageersan mowqifka Soomaaliya, halka qaar kalena ay muujinayeen faham ka duwan oo la xiriira isbeddellada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in wafdi si hoose u socday oo ka socday Somaliland uu muddo 24 saac ah ku sugnaa magaalada Addis Ababa. Wafdigan ayaa la sheegay in safarkoodu ahaa mid aan si rasmi ah loo shaacin, isla markaana aan la ogeyn cidda ay la kulmeen ama ajandaha dhabta ah ee ay wateen. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo hadal-heyn diblumaasiyadeed oo ku saabsan doorka ay Somaliland ka ciyaareyso kulammada iyo wada-hadallada ka socda caasimadda Itoobiya.
Isku soo wada duuboo, dhaqdhaqaaqyadan is-daba jooga ah ee diblumaasiyadeed ayaa muujinaya in arrinta Somaliland ay gashay marxalad xasaasi ah, isla markaana ay noqotay ajande muhiim ah oo ay si dhow ula socdaan dalalka gobolka, waddamada Carabta iyo beesha caalamka. Khubarada siyaasadda ayaa aaminsan in toddobaadyada soo socda ay go’aamin doonaan jihada uu qaadan doono loollanka diblumaasiyadeed ee ku saabsan mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka dalalka Geeska Afrika.



Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

