Itoobiya oo Sheegtay iney jiraan Dalal Cuqdad ka Qaba iney Hesho Marin Badeed

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay dalal aysan magacaabin inay caqabad ku yihiin dadaalkeeda ay ku doonayso inay hesho marin badeed, iyadoo ku saleynaysa heshiis iskaashi oo faa’iido leh, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga barwaaqo ee talada haya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qorshaha Itoobiya, kaas oo ku dhisan is-dhaafsi iyo dan wadaag, uu wajahayo iska caabin ka timid dhinacyada dibadda.

“Dalalku waxay Itoobiya u arkaan il dhaqaalle oo ay ku tiirsan yihiin, iyagoo ku soo roga culaysyo dhaqaalle oo aan loo baahnayn,” ayuu ku yiri war-saxaafadeedka Xisbiga, isagoo tilmaamaya in dalalka deriska ah ay si ula kac ah u carqaladeynayaan dadaalka Addis Ababa ee ah helidda marin toos ah oo badeed.

Xisbiga ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Itoobiya ay hesho marin badeed si toos ah, maadaama ay kaalin muhiim ah ka ciyaarayso ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha dalka. Waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Addis Ababa ay sii wadi doonto qorsheyaasheeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo helidda marin badeed oo ay si madax-bannaan u maamuli karto.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.