Madaxweyne kuxigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo weli ku sugan safarkiisii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Boorama ayaa maanta kulan Is-xog-waraysi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ka hawl gala Gobolka Awdal.
Kulankan oo ka dhacay Guriga Madaxtooyada ee Boorama ayaa si weyn loogaga wada hadlay doorka ay Warbaahinta Gobolka Awdal ka qaadan qaadan karaan arrimaha nabadgelyada, horumarka iyo taageeridda Ictiraafka ay heshay Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdirashid Xasan Mataan oo hadalka furay ayaa Warbaahinta Gobolka Awdal uga mahad naqay sida ay ula shaqeeyaan isaga oo ballan qaaday in uu mar kasta diyaar u yahay Saxaafada Gobolka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Mudane Cabdiraxmaan Shide Bille, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. Mudane Xasan Muuse Khaliif oo iyaguna hadalka qaatay ayaa si weyn u hoga tusaaleeyey Saxaafada Gobolka Awdal.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo kulankaasi ka jeediyey khudbad miisaan leh oo ku wajahan Saaxafada gobolka Awdal, ayaa yidhi:
“Ugu horrayn waxa aan idiinka mahad naqayaa sida aad u soo ajiibteen balankaygii, waxa aanan qirsanahay in aad tihiin Tiir Adag oo mihiima u ah Qaranka iyo Bulshadaba.
Waad og tihiin xaaladaha cusub ee gobolkeena ku soo biiray waxa aan doonayaa in aynu hawlahaasi ka wada shaqayno iyo sidii mihnadda aad leedihiin sida ugu wanaagsan ugugu shaqaynay lahaydeen bulshada.
Saxaafaddu waxay sidataa middi laba af leh oo kala ah Jano iyo cadaab. Ogowna in aakhiro lagu qabsan doono wixii xun ee aad afkaaga ka sheegtay.
Ka Xukumad ahaan, ma diidani in dhalliilahayaga la sheego oo wixii khalad nala yidhaahdo toosiya, balse ma habboona in laga shaqeeyo wixii bulshada kala fogaynaya iyo beenta.
Saxaafadda Gobolka Awdal waxa aan diyaar u ahay in aan idinla shaqeeyo oo waxa aad tabaysiin dhagaysto oo aan wax ka qabto. Albaabkayguna wuu idiin furan yahay markasta. Balse waxa aan idinka codsanayaa in aad markasta ka fogaataan wixii bulshada kala kaxaynaya.
Nabadgelyada Gobolka Awdal aan ka wada shaqayno oo maanta waad ogtihiin in dalkeeni la ictiraafay ee nin kastaw xagaaga ka shaqee”.
Xubno ku hadlayey afka warbaahinta Gobolka Awdal oo hadalka iska daba qaatay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Xukumaddooda la shaqeeyaan.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇













Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

