Ruushka Oo ka Fal-celiyay Markabkii Maraykanku ka Qabsaday

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Gudoomiye Ku-xigeenka gudiga difaaca ee gollaha Baarlamanka Ruushka ayaa ugu baaqay dowlada Ruushka iney dharbaaxo adag ku dhufato Mareykanka oo ay quusiso maraakiibta Mareykanka, si looga jawaabo qabashadii markabkii shidaalka waday ee Ruushka ee Mareykanku qabsaday.

Wuxuu ku tilmaamay talaabooyinka uu Mareykanka qaadayo”budhcadnimo” wuxuuna xusey in mabda’a iyo xeerarka milatariga Ruushku ay ciidamada u ogolaanayaan iney adeegsadaan hubka nukliyeerka.

Ruushku ayaa diray ciidamadiisa badda si ay u galbiyaan markab shidaal oo ay sidoo kale ciidamada Maraykanku ku baacsanayaan badweynta Atlaantigga, sida ay sheegtay warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta warbaahinta BBC-da ee Maraykanka, ayaa werisay.

Ampatzidis wuxuu sheegay in u beddelashada diiwaanka Ruushka ay sababi karto “isku dhac dublamaasiyadeed” laakiin wuxuu ku tilaamamay in taasi aysan joojin doonin talaabo kasta kasta oo uu Mareykanka uu doonayo inuu dhaqan galiyo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore sheegay in uu amrayo in “la xannibo” maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela, tallaabadaas oo ay dowladda dalkaas ku tilmaantay “xatooyo”. Balse Ruushku waxa uu sheegay in ay si walaac leh ula socdaan xaaladda markabka.

“Waqtigan xaadirka ah, markabkayagu wuxuu ku socdaa biyaha caalamiga ah ee Waqooyiga Atlaantigga isagoo wata calanka gobolka ee Ruushka, wuxuuna si buuxda u raacayaa xeerarka sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Ismariwaaga suurtagalka ah ee ka dhashay markabka saliidda qaada ayaa imaanaya maalmo kadib markii Mareykanka uu adduunka kaga yaabiyay qabsashada Maduro ee uu ka soo qabtay caasimadda Caracas. Waxay duqeymo ka geysateen magaalada intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay Maduro iyo xaaskiisa oo looga shakiyay hub iyo dambiyo daroogo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.