Askari ka tirsan ciidamada ammaanka Iran ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay maalintii afaraad ee dibadbaxyo ballaaran oo ka socda dalkaas, kuwaas oo ka dhashay qiima-dhac weyn oo ku yimid lacagta Iran. Dibadbaxyadan ayaa ka billowday caasimadda Tehran, iyagoo ku fiday gobollo kala duwan oo dalka ah.
Muuqaallo ay heshay laanta afka Persia ee BBC ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo rasaas ku furaya dibadbaxayaal ku sugnaa mid ka mid ah magaalooyinka, xilli ay xaaladdu sii cakirmaysay. Iska hor’imaadyo kale ayaa laga soo wariyay gobolka koonfureed ee Fars iyo gobolka galbeed ee Hamedan.
Wararka ka imanaya gobolka Fars ayaa sheegaya in askari 21 jir ah oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Kouhdasht. Sidoo kale, dibadbaxayaal ayaa la sheegay inay isku dayeen inay jabsadaan dhismo ay leedahay dowladda hoose, taas oo keentay in saddex askari ay ku dhaawacmaan, halka afar qofna la xiray.
Iyadoo ay xaaladdu kacsan tahay, mas’uuliyiinta Tehran ayaa ku dhawaaqay Arbacadii maalin fasax qaran ah, tallaabadaas oo loo arkay mid lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan caasimadda. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay iskuullada, jaamacadaha iyo hay’adaha guud inta lagu guda jiro maalinta fasaxa.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dhageysato “dalabyada sharciga waafaqsan” ee ay soo jeedinayaan dibadbaxayaasha. Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka, Mohammad Movahedi-Azad, ayaa digniin adag u diray dadka mudaharaadaya, isagoo sheegay in isku day kasta oo lagu abuurayo xasillooni-darro lagaga jawaabi doono tallaabooyin uu ku tilmaamay “jawaab adag”.
Dibadbaxyadan ayaa imanaya xilli ay Iran wajahayo caqabado dhaqaale oo sii kordhaya, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinta.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

