Heemaal News Network

Vladimir Putin iyo Xi Jinping Waxay Ula Dhaqmaan Trump Sidii Doqon Caqli Daran

La taliyiihii amnigiga qaranka ee Trump, ayaa ka digay in madaxda caalamku ay ka faa’iidaysan karayaan Trump, isaga oo sheegay in ay ula dhaqmaan sidii nacas aan caqli badan lahayn.

Hadalkan oo ku jiray Waraysi uu siiyey John Bolton shabakada CNN ayaa dhirbaaxo kulul ku ah waqtigan lagu jiro ololaha doorasahada madaxtinimada Maraykanka, iyada oo markii uu horoba Trump la daalaadhaacaayey, sadaalin la qaaday oo uu aad uga danbeeyo Tartame Bedan.
Waxay u maleynayaan inuu yahay nacas aan caqli badan lahayn.

“Ragga taariikhda ku jira, sida Vladimir Putin iyo Xi Jinping, way fahmeen shaqadooda. U malayn maayo in Trump uu fahmay shaqada uu madaxweynuhu u hayo waddankeenna. Waxa aan qol kula jiray isaga oo la hadlaya dadkaas oo aan dhegaystay hadaladii taleefoonnada. Uma maleynayo inay ay si qof caadi ah ula hadlayeen Trump. Waxaan u maleynayaa inay, Xi Jinping, Vladimir Putin, Kim Jong-un, ay u maleynayaan inuu yahay doqon lagu qoslo.”

Sidaa waxaa CNN u sheegay John Bolton oo 17 bilood ahaa lataliyaha amniga qaranka Mareykanka ee dowladdii Donald Trump.

“Waxay diyaar u yihiin inay isaga ka faa’idaystaan. Trump ma fahmin tan,” wuxuuna ku mashquulsan yahay naftiisa inuu fahmo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dal Yurub kuyaalla Oo Maxkamadeenaya Nin Adeer u ah Madaxweynaha dalka Syria

Heemaaln

Yuhuuda Oo Weerartay Dagaanadii Ay Masar Ku Tilmaamtay Khadka Cas

Heemaal

Israa’iil Oo Shaacisay Inay Deegaanka Rafax kasoo Furatay la Haystayaal

Heemaaln