208
Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa telefoonnadooda maanta loogu diray farriin aan la aqoonsan cidda dirtay oo loogu sheegayo; “Waan imaaneynaa… waa inaad cirka eegtaan saqda dhexe.” Sida ay ku warrameen Al Jazeera iyo telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12.
Farriintan ka hor, Ruushka ayaa mas’uuliyiintii ka joogay Israa’iil iyo qoysaskooda kala baxay gudaha Israa’iil, iyadoo aysan dawladda Ruushka illaa hadda sharraxaad ka bixin sababta ay tallaabadan u qaaday.
