Iyada oo mudaharaadyada ka socda Iiran ay galeen toddobaadkoodii labaad, isla markaana mas’uuliyiinta dowlada ay soo saareen digniino loo diray dibadbaxayaasha, dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya laba isbitaal ayaa BBC-da u sheegay in xarumahooda caafimaad ay ka buux dhaafiyeen dhaawacyo.
Mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa sheegay in isbitaal indhaha lagu daaweeyo oo ku yaalla Tehran uu galay xaalad degdeg ah, halka BBC-da ay sidoo kale heshay farriin ka timid kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya isbitaal kale, kaas oo sheegay in aysan haysan dhakhaatiir qalliin oo ku filan si ay ula tacaalaan tirada badan ee bukaanada la keenayo isbitaalka.
Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay ku jirto “dhibaato weyn”, isaga oo yiri “Way fiicnaan lahayd inaadan bilaabin rasaas ridid, sababtoo ah annaguna waan bilaabi doonnaa rasaas ridid.”
Iiran, warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay Mareykanka ku eedeysay inuu mudaharaadyada u beddelay waxa ay ku tilmaantay “falal rabshado leh oo lagu wiiqayo amniga iyo geysashada burbur ballaaran.”