Banaanbaxyadii Iiraan Oo Isku Badalay Dagaal Laga Baqayo In Uu Dhaco 24 Saac Gudahood

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in tobanaan ka mid ah ciidamada ammaanka lagu dilay mudaharaadyo ka dhashay dhibaato dhaqaale, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran uu uga digay Maraykanka iyo Israa’iil in ay wajihi doonaan weerarro aargoosi ah haddii Washington ay weerarto dalka.

Hadalkan ayaa yimid markii Maraykanku ku war galiyey Israiil in ay gasho foojignaan sare, iyada oo loo sheegay in laga dhabaynaayo hadalkii Trump ee ahaa in uu Iiraan weeraryo hadii ay shacab ku dhintaan banaanbaxyada.

Telefishinka dowladda ayaa Axaddii sheegay in 30 askari oo booliis iyo ciidamo amni ah lagu dilay gobolka Isfahan, halka lix kale lagu dilay gobolka Kermanshah ee galbeedka Iran, rabshadihii ugu dambeeyay.

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ah mid si dadban ula xiriirta dowladda, ayaa sheegtay in guud ahaan dalka ay ku dhinteen 109 xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka intii ay socdeen mudaharaadyadu.

Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku dhintay weerar lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha gargaarka ee ku yaalla Gorgan, caasimadda gobolka Golestan.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in masaajid lagu gubay magaalada Mashhad ee bariga Iran habeenkii Sabtida.

Tirada khasaaraha ayaa la shaaciyay xilli ay dowladda Iran kordhisay dadaallada lagu xakameynayo mudaharaadyadii ugu waaweynaa ee dalka ka dhaca sannado badan, kuwaas oo ay kumannaan qof waddooyinka u soo baxeen iyaga oo ka cadhooday sicir-bararka iyo qiimaha nolosha oo aad u kacay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in “rabshaduhu” si tartiib ah u yaraanayaan, halka Xeer-ilaaliyaha Guud uu uga digay in dadka ku lugta leh qalalaasaha ay wajihi karaan xukun dil ah.

Sabtidii, Cali Laarijaani, oo ah masuul sare oo dhanka ammaanka ah, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mudaharaadayaasha inay “dad dilayaan ama dad gubayaan, taas oo aad ula mid ah waxa ay sameyso ISIS,” isaga oo tixraacaya kooxda hubeysan ee ISIL.

Xasan Axmadiyaan, oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Tehran, ayaa u sheegay Al Jazeera in mudaharaadyadii billowday laba toddobaad ka hor ay isu beddeleen rabshado Khamiistii, isagoo ku tilmaamay “mid ka mid ah maalmaha ugu argagaxa badan ee Iran, gaar ahaan Tehran.”

“Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan aragnay in dhacdooyinkaas ay yaraadeen, sababtoo ah waxaa jira iska horimaadyo shacab, kuwo ka soo horjeeda dawlada iyo kuwo taageersan,” ayuu yiri.

“Dadka badankoodna waxay bilaabeen inay ka fogaadaan falalka rabshadaha ah,” ayuu intaas ku daray.

“Inta badan dadka Iiraaniyiinta ah kuma qanacsana xaaladda dhaqaalaha, balse badankoodna kuma qanacsana rabshadaha,” ayuu Axmadiyaan xusay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Axaddii ka hadlay qorshayaasha dhaqaale iyo “dalabaadka shacabka” wareysi uu siiyay telefishinka dowladda.

Pezeshkian ayaa wareysiga ku sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay doonayaan inay “faafiyaan fowdo iyo qalalaase” gudaha Iran iyagoo abaabulaya “rabshado,” wuxuuna ugu baaqay Iiraaniyiinta inay ka fogaadaan “rabshad-wadayaal iyo argagixiso.”

 

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.