Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay sabab u tahay qalalka iyo yaraanta biyaha ku yimid labada webi ee waaweyn ee Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo abaar daran.
Mas’uulkan oo ka hor hadlaayay xubnaha Aqalka sare ee BFS, ayaa sheegay in Itoobiya ay dhisatay biyo-xireenno waaweyn iyo kaabayaal kale oo biyaha lagu xakameeyo, kuwaas oo suurta gelinaya in biyaha la ururiyo laguna hago sida ay rabaan.
Sida uu tilmaamay, marka ay jirto biyo-yaraan, Itoobiya ayaa biyaha celisa, halka xilliyada roobabka ay sii dayso biyo fara badan oo sababa fatahaado ku dhufta dhulka hoos yimaada, gaar ahaan Soomaaliya.
Maxamuud Macalim wuxuu xusay in nidaamkaas xakamaynta biyaha uu Soomaaliya gelinayo laba xaaladood oo halis ah: marka ay abaar tahay, webiyadu way qalalaan, marka roobabkuna bataanna, fatahaado ba’an ayaa ku dhaca, taasoo waxyeello u geysata beeraha, guryaha iyo nolosha shacabka.
Mas’uulku wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dejiso siyaasad qaran oo cad oo ku wajahan maaraynta biyaha webiyada, isagoo ka digay in maqnaanshaha qorshe mideysan uu sii xumeyn karo saameynta bani’aadannimo, deegaan iyo mid dhaqaale ee ka dhalata biyo la’aanta iyo fatahaadaha.
Labada webi ee Soomaaliya ayaa laf-dhabar u ah nolosha iyo wax-soosaarka beeraha dalka, waxaana qalalkooda xilliyada abaarta uu si toos ah u saameeyaa amniga cuntada iyo barakaca dadka.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

