Heemaal News Network

Namibia Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub Kadib Geeridii Hage Geingob

Nangolo Mbumba ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha dalka Namibia saacado kadib markii uu ku dhawaaqay inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Hage Geingob.

Madaxweynahii dalka Namibia Hage Geingob oo 82 sano jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay.

Geingob ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii madaxweyne ka ahaa waddankan aadka u dadka yar ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee Afrika.

Halyeyga halgankii gobonimo doonka ee dalka, Mr Geingob ayaa laga helay cudurka kansarka, waxaana uu xogtan shacabka u soo bandhigay bishii hore.

Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyay ayaa xilkaasi sii heyn doonaa ilaa doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.

Mr Geingob ayaa markii ugu horreysay loo dhaariyay xilka madaxweynenimo sannadkii 2015-kii, balse wuxuu soo qabtay xilal sare oo siyaasadeed tan iyo markii uu xorriyadda qaatay sannadkii 1990-kii.

Madax ka kala socota caalamka ayaa dirayey dhambaal tacsi ah iyadoo dad badan ay ka hadlayeen dadaalka Mr Geingob uu ugu jiro xaqiijinta xoriyadda dalkiisa.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cyril Ramaphosa, oo ah madaxweynaha dalka ay dariska yihiin ee Koonfur Afrika, oo ku tilmaamay inuu ahaa ruug-caddaa u soo halgamay xornimada Namibia ee gumeysiga iyo midab-takoorka.

Mr Geingob waxa uu musaafuris ku noolaa muddo 27 sano ah, isagoo waqti ku qaatay Botswana, US iyo UK, halkaas oo uu shahaadada PhD ka qaatay siyaasadda. Waxa uu dib ugu soo laabtay Namibia 1989, sanad ka hor intii aanu xornimada qaadan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

llhaan Cumar Oo Weerarro afka ah kala Kulantay Khikaafka Badda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Abiy Axmed Oo Isku Shaandhayn aan Hore loo Arag ku Samaynaya Golihiisa Wasiirada

Heemaal

Ukrain Oo Sheegtay In Ay Soo Riday Dayaarad Milatari Oo Ruushku Leeyahay

Heemaal