WASHINGTON
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Maraykanku diyaar u yahay inuu qaado “tallaabo aad u adag” haddii ay run noqoto wararka sheegaya in Iran qorshaynayso inay daldasho dibadbaxayaal.
“Ma maqal arrinta daldalidda. Haddii ay daldalaan, waxyaabo ayaad arki doontaan… Waxaan qaadi doonnaa tallaabo aad u adag haddii ay sameeyaan wax sidaas ah,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay CBS News.
Markii wax laga weydiiyay waxa uu ugu yeeray “ujeeddada kama dambaysta ah” ee Iran, Trump wuxuu ku jawaabay: “Ujeeddadu waa guul. Anigu guul ayaan jeclahay.”
Hadallada Trump waxay yimaadeen kaddib markii wax laga weydiiyay qoraal uu horay ugu daabacay Truth Social, halkaas oo uu ku yiri: “Gargaar waa soo socdaa.”
“Waa run, gargaar badan ayaa soo socda, qaabab kala duwan ayaana loo helayaa, oo ay ku jirto gargaar dhaqaale. Waxaan Iran ka burburinay awooddii ay u lahayd nukliyeerka,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya weerarro Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran bishii Juun ee sannadkii hore.
Isaga oo muujinaya in aan weli la hayn tirooyin sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada ka socda Iran, ayuu yiri: “Cidna ma awoodo inay na siiso tirooyin sax ah oo ku saabsan inta qof ee la dilay.”
“Waad ogtahay, haddii ay rabaan dibadbax, taasi waa hal arrin, laakiin marka ay bilaabaan inay dilaan kumannaan qof, haddana aad ii sheegayso daldalid, waan arki doonnaa sida ay ugu dambaynta noqoto. Si wanaagsan uguma dhammaan doonto,” ayuu yiri.
‘Muwaadiniinta Maraykanka waa inay Iran ka baxaan hadda’
Iyadoo la xiganayo ururo aan dowli ahayn oo Iiraani ah oo fadhigoodu yahay Maraykanka iyo Norway, warbaahinta Fox News ayaa Isniintii sheegtay in qoyska dibadbaxaha la xiray ee Erfan Soltani loo sheegay in 26-jirkan “lagu xukumay dil,” islamarkaana xukunka la filayay in la fuliyo Arbaca.
Maraykanka ayaa Talaadadii uga digay muwaadiniinta Maraykanka inay dalka si degdeg ah uga baxaan, iyadoo qalalaasah guud uu sii xoogaysanayo.
“Muwaadiniinta Maraykanka waa inay Iran ka baxaan hadda. Ka fiirsada inaad dhulka kaga baxdaan adigoo u sii maraya Turkiga ama Armenia, haddii ay ammaan tahay,” ayaa lagu yiri digniin amni, iyadoo Maraykanku ku booriyay muwaadiniintiisa, inay qorsheeyaan ka bixid iyagoo aan ka helayn gargaar dowladdooda.
Muwaadiniinta leh dhalasho labaad (Maraykan iyo Iiraani) waa inay Iran kaga baxaan baasaboorka Iiraan, maadaama dowladda Iran aysan aqoonsan dhalashada labaad, isla markaana ay ula dhaqmi doonto dadkaas kaliya muwaadiniin Iiraani ah, ayaa lagu daray.
“Muujinta baasaboorka Maraykanka ama in la tuso xiriir aad la leedahay Maraykanka waxay noqon kartaa sabab ku filan in mas’uuliyiinta Iiraan ay qof ku xiraan,” ayaa digniinta lagu yiri.

