Maraykanka Oo Shaqaalaha Saldhiga Qadar ku War-galiyay Inay ka Baxaan Iyo Iran Oo ku Hanjabtay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Shaqaalaha ka howlgalla saldhigga cirka ee Mareykanka ee Al-Udeid, oo ku yaalla dalka Qatar ayaa qaarkood lagu wargeliyay ka hor fiidnimada caawa inay isaga baxaan , tallaabo loo qaatay inay qeyb ka tahay diyaar garowga weerar uu Mareykanka ku qaadi karo Iiraan, oo horey ugu hanjabtay weerar kasta oo lagu soo qaado inay uga jawaabayso weerarro ka dhaca Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe , sida ay werisey Reuters.

Mareykanka ayaa ka codsaday hay’adaha sirdoonka ee Yurub inay la wadaagaan xogta ay ka hayaan Iiraan , oo ay ku jiraan bartilmaameedyada la beegsan karo ee ku yaalla gudaha Iiraan , sida uu baahiyay wargeyska Washington Post.

Iiraan ayaa si toos ah u wargelisay, Sacuudiga,Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga in weerar kasta oo Mareykanka uu dhulkeeda ku soo qaado inay uga jawaabi doonto gantaallo ay ku weerarto saldhigyada uu dalalkaa ku leeyahay Mareykanka, sida ay baahisay Reuters.


Diyaaradda gaarka ah ee uu adeegsado Netanyahu oo lagu magacaabo Wing of Zion ayaa laga saaray gudaha Israa’iil, iyadoo markii u dambeysay ee sidan oo kale diyaaradan looga saaray Israa’iil ay ahayd dagaalkii 12 maalin socday ee Iiraan , sida uu sheegay wargeyska Times of Israel.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.