Warar Been Abuur ah oo Ku Saabsan Laascaanood & Safaaradda Mareykanka oo Jawaab Ka Bixisay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay war ku faafayay baraha bulshada oo lagu sheegay in safaaraddu ay soo saartay digniin amni oo ku saabsan safarka magaalada Laascaanood.

Qoraal ay safaaraddu ku baahisay barteeda rasmiga ah ee baraha bulshada ayay ku sheegtay in warkaasi yahay been abuur, islamarkaana uusan jirin wax digniin amni ah oo ay ka soo saartay xaaladda amni ee Laascaanood.

“WAR BEEN ABUUR AH:-Safaaradda Mareykanka ma soo saarin digniin amni oo ku saabsan safarka Lascanod. Fadlan la soco boggayaga rasmiga ah iyo akoonnada baraha bulshada si aad u hesho macluumaad lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda ayaa sidoo kale uga digtay shacabka inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin ee lagu faafiyo baraha bulshada, iyadoo ku boorrisay in xogta rasmiga ah laga raadsado ilo lagu kalsoon yahay.

Wararkan been abuurka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay si xowli ah u faafaan xogaha marin habaabinta ah ee la xiriira amniga iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.