Kooxo hubeysan oo ka tirsan Kurdiyiinta Oo Gudaha u Galay Dhulka Iran

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Kurdiyiinta ayaa maalmahan isku dayay inay ka gudbaan xadka u dhexeeya Ciraaq iyo Iiraan. Hase yeeshee, ka hor inta aysan kooxahaasi gudaha u gelin dhulka Iiraan, waxaa dhaqdhaqaaqooda ogaaday hay’adda sirdoonka Turkiga, taas oo si degdeg ah ula wadaagtay ciidanka Iiraan.

Arrintaas ayaa ku qasabtay Ilaalada Kacaanka Iiraan inay qaadaan tallaabo militari, iyagoo dagaal toos ah la galay kooxaha Kurdiyiinta ee hubeysan, kuwaas oo ugu dambeyn dib looga riixay aagga xadka, sida ay maanta werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.