Sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya dab xoogan ayaa caawa ka kacay Suuqa degmada Buur hakaba ee gobolka Bay
Dabkan ayaa ka bilowday kaalin shidaal oo ku taalla halkaas, wuxuuna si deg deg ah ugu fiday goobo ganacsi iyo dhismayaal kale oo ku dhowaa goobtaas.
Shacabka degmada ayaa la tacaalaya sidii ay u damin lahaayeen dabkan qabsaday Suuqa degmada Buur-hakaba iyadoo dabku uu ku sii faafayo qeybo badan oo kamid ah Suuqa.
Dabeylo xoogan oo jira iyo gaadiid dan demis oo aan jirin ayaa sababay in dabkaas si deg deg ah loo demin waayo, kuna faafo dhismayaal badan.
Dadweynaha ayaa adeegsanaya ciid iyo biyo lagu keenay jiirigaamo iyo gaadiid yar yar hase ahaatee baaxada oo aad u weyn saameyn kuma guuleysan iney demiyaan.
Xaalada degmada Buur hakaba ayaa caawa kacsan iyadoo shacabka iyo Maamulka ay sheegeen in dabkaas uu yahay kii ugu weynaa ee magaaladaas soo mara taariikhda, lamana soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA





