Trump Oo Sheegay In ay Iran Joojisay Dilalkii “Waan Hubin-doonaa”

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa hadal uu waxyar ka hor jeediyay wuxuu ku sheegay ; “ Waxaa naloo sheegay in dilalkii ka socday Iiraan la joojiyay,sidoo kale ma jiro wax qorshe ah oo ku saabsan fulinta dilal. Sidaas ayaa la ii sheegay, war lagu kalsoonaan karo ayaana la ii soo gudbiyay, waana hubin doonnaa.”

Hadalkan wuxuu meesha ka saarayaa cududaar kasta oo Mareykanka uu ku weerarri karay Iiraan, sababtoo ah waxa uu ku andacoonayay Trump waxay ahayd inay faragelinayaan dilalka ka dhankaga ah bannaanbaxayaasha oo lagu eedeyay dawladda Iiraan, si taa loo joojinaya ay weerarri doonaan gudaha Iiraan, balse hadda hadalkan ayaa joojinaya weerar kasta oo lagu qaadi karay Iiraan, ma cadda tan haddii ay ku filantahay dadaalladii ay hor kacayeen Sacuudiga, Qatar iyo Turkiga in lagu guuleystay si loo joojiyo duullaan uu Mareykanka ku qaado Iiraan. Waqtiga ayaa tan caddeyn doona!

Xaaladda Bariga-dhexe ayaa bariga-dhexe ah:Badi dalalka galbeedka ayaa dadkooda kala baxay Iran… Israa|l waxa ay dadkeeda u furtay gabaadyada dhulka, Mareykanku wuxuu faarujiyey saldhiggiisa Dooxa – waxa xilli kasta suuragal ah Mareykanka, Israa|l & xulafadooda oo weerar ku ekeeya Tahraan oo ay goor hore ba gilgileen banaan-baxyo ka dhan ah Hoggaanka-sare — Iiraan dhankeeda waxa ay gashay heegan, hanjabaad-na wey dirtay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.