Maraakiibta Ganacsiga Oo Baneeyay Dekedaha Iiraan Cabsi Laga Qabo Weerar Dagaal

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Dekedaha Iiraan ayaa la banneeyay , iyadoo maraakiibta ganacsiga ay ku xiranayaan meelo ka baxsan dekedaha, sabab la xiriirta cabsi laga qabo in la weeraro dekedaha iyo xarumaha shidaalka Iiraan ee ku yaalla Gacanka Faaris.

Ugu yaraan 25 markab oo xamuul ah ayaa maanta istaagay meel ka baxsan dekedda weyn ee Bandar Imam Khomeini, halka ku dhowaad 25 markab oo kale oo ay ku jiraan maraakiib xamuul iyo konteenarro ay istaageen meel ka baxsan dekedda Bandar Abbas, oo ku dhow marinka Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.