Sadio Mané ayaa dhaliyay goolka guusha, kaddib markii Senegal ay garaacday Masar, una gudubtay ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON).
Guusha Senegal waxay soo afjartay rejadii Maxamed Salah ee ahayd inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee qaarada, kaas oo lagu qabanayo Morocco.
Mané ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaar taxaddar badan lahayd iyadoo 12 daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta ka dhacday Tangier, isagoo kubbad lugta midig ah ku hubsaday gudaha goolka.
Tani waa markii saddexaad ee weeraryahanka Senegal uu ka adkaado saaxiibkiisii hore ee Liverpool kulan caalami ah oo miisaan culus leh.
Labada guul ee horeba waxay dhaceen afar sano ka hor, markaas oo dalalka Galbeedka Afrika ay Masar kaga adkaadeen rigoorayaal, labadaba finalkii AFCON 2021 iyo kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka FIFA 2022.

