Itoobiya Oo Wajahaysa Xaalad Xasaasi ah, kaddib Go’aankii Israa’iil ay ku Aqoonsatay Somaliland,

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu soo warramayaa inuu wajahayo xaalad aad u xasaasi ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo Itoobiya gelisay loollan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta. Sida uu qoray wargeyska The Africa Report, Shiinaha ayaa si cad uga digay in cid kasta oo ay Itoobiya ku jirto ay taageerto ama aqoonsato Somaliland, maadaama Beijing ay arrintaas u aragto mid khatar ku ah mabda’a midnimada dalalka.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa leh joogitaan ballaaran oo dhaqaale iyo amni oo ka jira Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorshaha aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warbixintu waxay tilmaamtay in Abiy Axmed uu qaatay mowqif dhexdhexaad ah, isagoo ka fogaanaya inuu si cad ula safto midkood ajandaha iska soo horjeeda ee Shiinaha ama Imaaraadka. Ujeeddadiisu waa inuu ilaaliyo dheellitirka xiriirka labadaas quwadood, si Itoobiya aysan u lumin midkoodna, sabab la xiriirta xilli ay Itoobiya miiska u saaran yihiin heshiisyo deymo iyo maalgelin ah oo ay ka helayso Shiinaha, halka Imaaraadkuna uu u ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Sidaas awgeed, Addis Ababa waxay ku jirtaa xaalad ay khasab ku tahay inay si xeeladaysan u maareyso loollanka quwadahaas, iyada oo aan midna si buuxda u cadho gelin.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.