Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa Arbacadii shir guddoomiyay kulan ka dhacay Qaahira oo ay isugu yimaadeen quwadaha goboleed iyo kuwa caalami ah si ay isugu dubbaridaan dadaallada nabadda ee Suudaan.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, kulanka waxaa ka qayb galay Masad Boulos iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Suudaan Ramtane Lamamra.
Kulanka sidoo kale waxaa joogay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Shakhboot bin Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar, iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Waleed Al-Khuraiji.
Waxaa kale oo ka qayb galay wakiillo ka socday Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay, Hay’adda IGAD, iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socday Turkiga, Jarmalka, Noorway, Qatar, Boqortooyada Midowday, Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, Ciraaq iyo Angola.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kulanka uu qayb ka yahay dadaallo caalami iyo goboleed oo la xoojiyay si wax looga qabto caqabadaha halista ah ee ka dhashay xaaladda jilicsan ee Suudaan.
Hadallo uu ka jeediyay kulanka, Abdelatty wuxuu sheegay in dhibaatada Suudaan ay u baahan tahay “dadaallo daacad ah oo caalami iyo goboleed si degdeg ah loo joojiyo dhiigga daadanaya.”
Suudaan waxaa hareeyay dagaal dhimasho badan sababay tan iyo Abriil 2023, markaas oo dagaal uu dhex maray ciidanka dowladda Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kadib khilaaf ka dhashay sidii ciidankaas hubeysan loogu dari lahaa milatariga qaranka.
18-ka gobol ee Suudaan, RSF waxay gacanta ku haysaa dhammaan shanta gobol ee Darfur ee galbeedka, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfur oo weli ay ciidanku maamulaan. Dhanka kale, ciidanka dowladda ayaa maamula inta badan 13-ka gobol ee haray ee koonfurta, waqooyiga, bari iyo bartamaha, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.

