Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay si buuxda ula safan tahay mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo urur-goboleedka IGAD.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaanta Koonfureed, kuna taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, isla markaana lagu soo saaray magaalada Juba, ayaa lagu caddeeyay in dowladda Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso mowqifkeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu xusay in Juba ay si buuxda u taageersan tahay go’aannada Midowga Afrika iyo IGAD ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in mowqifkooda uu salka ku hayo ballanqaad joogto ah oo ku aaddan ilaalinta xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim u arkaan in la dhowro midnimada dalkaas.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in mowqifka Koonfurta Suudaan uu waafaqsan yahay heshiisyada iyo axdiyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika, kaas oo diiradda saaraya ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan falcelinnada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil. Arrintan ayaa dhalisay mowqifyo kala duwan oo ay dalal badan ku muujinayaan taageerada ay u hayaan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

