Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Tony Blair, waxa uu ugu yeeray “Guddiga Nabadda” (Board of Peace), kaas oo la filayo inuu kormeero qorshe 20 qodob ka kooban oo uu Trump damacsan yahay in lagu soo afjaro dagaalka Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Qaza, dagaalkaas oo lagu tilmaamay mid xasuuq ah.
Aqalka Cad ayaa Jimcihii sheegay in Tony Blair uu ka mid noqon doono todoba xubnood oo aas-aasayaal u ah oo fulinta heshiiska, kuwaas oo sidoo kale ay ku jiraan Jared Kushner, oo ah yuhuudi uu soddog u yahay Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff. Xubnaha kale ee guddiga lagu dhawaaqay waa Marc Rowan, Ajay Banga, iyo Robert Gabriel.
Magacaabistan ayaa timid maalmo kooban kadib markii Steve Witkoff uu shaaciyay bilowga wejiga labaad ee qorshaha Mareykanku dhexdhexaadinayo, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu joojiyo dagaalka Israel ee Qaza. Dagaalkan ayaa tan iyo Oktoobar 2023 sababay dil ka badan 71,000 oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa xusid mudan in wadamada carabta ee qayb ka ahaa heshiiskani, ay horay u diideen magacaabista Tony Balair, iyaga oo sheegay in uu taariikh madow ku leeyahay bariga dhexe.

