Danjireyaasha dalalka Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan ayaa goor dhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Laascaanood, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Imaanshahooda ayaa ka tarjumaya taageerada caalamiga ah ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, xoojinta xasilloonida, iyo horumarinta deegaannada waqooyi-bari ee dalka, taasoo sidoo kale muujinaysa kalsooni iyo daneyn ay dalalka caalamku u hayaan maamulka cusub.
Waxaa la filayaa in wufuudda dalalka Shiinaha iyo Masar ay sidoo kale isla maanta ka dhoofaan Muqdisho, si ay uga qeyb galaan munaasabaddan muhiimka ah. Imaanshahooda ayaa sii xoojin doona muuqaalka taageerada caalamiga ah ee loo fidinayo dowladnimada, nabadda iyo dowlad-dhiska Waqooyi Bari, iyada oo sidoo kale dhiirrigelinaysa iskaashi iyo wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhexmara Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada ah.
Munaasabaddan taariikhiga ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, inta badan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan oo sare, danjireyaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, taasoo ka tarjumaysa sida ay dowladda federaalku uga go’an tahay taageeridda iyo xoojinta maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa ku yaalla Waqooyi Bari, si loo helo maamul hufan, nabad waarta, iyo horumar bulsho iyo dhaqaale oo muuqda.
Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in Somaliland ay si weyn uga biyo diidan tahay waxa ka socda magaalada Laascaanood, gaar ahaan caleemo-saarka iyo joogitaanka madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo wakiillada caalamiga ah. Arrintan ayaa ay u aragto mid ka hor imanaysa sheegashadeeda siyaasadeed ee ku aaddan gobollada Sool iyo guud ahaan Waqooyiga Soomaaliya, taasoo muujineysa weli khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maqaamka iyo mustaqbalka deegaannada waqooyi.
Munaasabaddan oo la filayo in ay noqoto mid taariikhi ah, ayaa fursad u siinaysa maamulka cusub ee Waqooyi Bari in uu muujiyo kartidiisa maamul, adkeynta midnimada bulshada, iyo diyaar garowga uu u leeyahay ka qeyb qaadashada horumarinta guud ee dalka, iyadoo la helayo taageero diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ka timaadda dalalka caalamka. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in imaanshaha wufuudda caalamiga ah uu sare u qaado sumcadda iyo awooda maamulka cusub, islamarkaana uu dhiirrigeliyo isku duubnida bulshada iyo xoojinta nabadda gobolka.

