Puntland Oo ka Hadashay Khasaaro ka Dhashay Ciidamo Weeraray Saldhiga Dhexe Ee Garoowe

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ka hadlay dagaalkii caawa ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay taliska qaybta booliska gobalka Nugaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ay soo weerareen saldhigga dhexe ee Garowe, islamarkaana falkaas uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka tirsan ciidamada daraawiishta, isagoo xusay in khasaaruhu yar yahay marka loo eego dagaalka ka dhacay.

Ciidamo tikniko ku hubaysan ayaa xalay weeraray saldhiga dhexe ee magaalada Garowe, kuwaas oo doonayay in ay labaxaan labo nin oo la soo xiray, waxaana muddo saldhiga iyo agagaarkiisa ka socday rasaas xoogan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhaawacmay labo ka mid ah ciidamadii saldhigga soo weeraray, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay istibaalka guud ee magaalada Garowe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.