Kumannaan qof ayaa ka qayb galay mudaharaadyo lagu magacaabay “Gacmaha ka qaada Greenland”

by Heemaal
4 minutes read
A+A-
Reset

Kumannaan qof ayaa ka qayb galay mudaharaadyo lagu magacaabay “Gacmaha ka qaada Greenland” xilli uu Donald Trump ku hanjabayo inuu la wareego.

Qaban-qaabiyaha isu-soo-baxa Copenhagen ayaa sheegay in “adduunku uu waajib ku yahay inuu baraarugo” iyadoo Madaxweyniha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabayo inuu qabsado jasiiradda is-maamula ee Denmark hoos timaadda ee Greenland.

Kumannaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Denmark si ay u muujiyaan taageerada Greenland isla markaana u diidaan hanjabaadaha isdaba-joogga ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku aaddan la wareegidda maamulka dhulkaas is-maamula ee Denmark hoos yimaada.

Iyagoo lulaya calamada Denmark iyo Greenland, mudaharaadayaashu waxay buuxiyeen bannaanka hoolka magaalada Copenhagen Sabtidii, iyagoo ku dhawaaqaya “Kalaallit Nunaat” — magaca jasiiradda Arctic-ga ee luqadda Greenlandic.

Isu-soo-baxyo kale ayaa sidoo kale laga qabtay maanta magaalooyinka Denmark ee Aarhus, Aalborg iyo Odense, iyo sidoo kale caasimadda Greenland ee Nuuk.

“Waxaan aad ugu mahadcelinaynaa taageerada ballaaran ee annaga reer Greenland naloo muujinayo, sidoo kale waxaan farriin u diraynaa adduunka oo dhan in aad dhammaantiin baraarugtaan,” ayay tiri Julie Rademacher, guddoomiyaha Uagut, oo ah urur ay leeyihiin reer Greenland ee ku nool Denmark.

“Greenland iyo dadkeeduba si khasab ah ayay u noqdeen safka hore ee dagaalka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha,” ayay intaas ku dartay.

Dibadbaxyadani waxay dhaceen maalin kadib markii Trump uu ku hanjabay inuu canshuuro (tariffs) ku soo rogi doono dal kasta oo aan la socon doonistiisa ah inuu la wareego Greenland,  arrin uu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay danaha Maraykanka.

“Waxaan laga yaabaa inaan canshuur ku soo rogno dalalka haddii aysan raacin arrinta Greenland, sababtoo ah waxaan u baahanahay Greenland ammaanka qaranka awgiis,” ayuu Trump yiri Khamiistii.

Inkasta oo Greenland iyo Denmark ay diideen fikradda ah in jasiiraddu ay noqoto mid Maraykanku ‘leeyahay’, haddana dadaalladii lagu doonayay in maamulka Maraykanka lagu beddelo mowqifkiisa ilaa hadda way fashilmeen.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Denmark iyo Greenland ayaa toddobaadkan ka baxay kulan ay Washington, DC, kula yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, iyagoo sheegay in aysan ku guulaysan inay beddelaan mowqifka Maraykanka.

“Way caddahay in madaxweynuhu uu leeyahay rabitaan ah inuu qabsado Greenland,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark, Lars Lokke Rasmussen.

Sida lagu sheegay afti-ururin ugu dambeysay oo la daabacay bishii Janaayo ee sannadkii hore, 85 boqolkiiba dadka reer Greenland waxay ka soo horjeedaan in dhulkoodu ku biiro Maraykanka, halka 6 boqolkiiba oo keliya ay taageersan yihiin.

Weriyaha Al Jazeera Rory Challands oo ka soo warramayay caasimadda Greenland ee Nuuk ayaa sheegay in isu-soo-baxa Sabtida la filayo inuu noqdo mid aad u ballaaran.

“Tani waa caasimadda balse waxaa ku nool kaliya qiyaastii 19 ilaa 20 kun oo qof. Qof kasta oo aan shalay la hadalnay wuxuu sheegay inay maanta soo bixi doonaan oo ay socod sameyn doonaan,” ayuu yiri Challands.

“Tani dhab ahaantii waa Danes iyo reer Greenland oo wada socda. Qof kasta oo halkan jooga wuxuu aaminsan yahay in mar uun ay jiri doonto nooc ka mid ah madaxbannaani Greenland u gaar ah,” ayuu raaciyay.

“Laakiin hadda, Denmark iyo Greenland waxay leeyihiin habka ugu wanaagsan ee ay uga bixi karaan qalalaasahan waa inay mideysanadaan.”

Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Maraykanka  oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump, ayaa sidoo kale ka horyimid dadaalka madaxweynaha ee la wareegidda Greenland, iyagoo sheegay in arrintaasi khatar gelinayso xasilloonida caalamka iyo ballanqaadka Maraykanka ee NATO.

Koox ka kooban xildhibaano Maraykan ah oo labada xisbi ka socda ayaa Jimcihii u safray Denmark, waxaana hoggaaminayay Senatar Chris Coons oo Dimuqraadi ah, kaasoo sheegay inaysan jirin khatar amni oo ku wajahan Greenland oo marmarsiiyo u noqon karta mowqifka maamulka Trump.

“Greenland waa qayb ka mid ah Denmark. Denmarkna waa xulafadeenna NATO. Taasi, aragtidayda, waa inay noqotaa dhammaadka dooddan,” ayuu Coons ku yiri wariyeyaasha Copenhagen.

Trump ayaa marar badan ku eedeeyay Denmark inay ku guuldarreysatay inay si ku filan u sugto biyaha dhuleed ee Greenland ee gobolka Arctic.

Xubnaha NATO ee Yurub ayaa ciidamo u diraya Greenland si ay uga qaybgalaan tababar militari oo loogu talagalay in lagu muujiyo inay “difaaci doonaan madaxbannaanidooda,” sida ay toddobaadkan sheegtay Wasiirka Ciidamada Faransiiska Alice Rufo.

Britain, Finland, France, Germany, Netherlands, Norway iyo Sweden ayaa ku dhawaaqay inay dirayaan tiro yar oo askar ah si ay ugu diyaar garoobaan tababarrada mustaqbalka ee Arctic.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.