Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashadii guud ee dalkaas isagoo helay 71.65% wadarta codadkii la dhiibtay (7,946,772 cod).
Madaxweynaha xilka haya ayaa hadda lagu wadaa inuu xilka sii hayo 5 sano oo kale, isagoo kordhinaya xukunkii 40-ka sano ahaa ee uu ku maamulayay dalkaas ku yaalla Bariga Afrika.
Bobi Wine, oo ahaa musharraxa sida weyn u loollamayay, ayaa galay kaalinta labaad isagoo helay 24.72% (2,741,238 cod) ee wadarta codadka. Codadkii soo harayna waxaa qaybsaday 6 musharax oo kale.
Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahaayeen 52.5% dadka is-diiwaangeliyay (11,366,201 qof). Ku dhawaaqistan ayaa lagu sameeyay shir jaraa’id oo uu qabtay guddiga doorashada ee Uganda.
Bobi Wine, oo ah musharrixii doorashada Uganda kula tartamay Yoweri Museveni, ayaa soo hadlay isagoo qaadacay natiijada soo baxday ee doorashada madaxweynaha oo la sheegay 71% inuu ku hoggaaminayo Museveni, halka uu sidoo kale caddeeyay inuu ka baxsaday xalay gacanta ciidanka booliiska Uganda oo gurigiisa ku soo weerarray diyaaraddo nooca qumaatiga u kaca ,wuxuu sheegay wali inuu iskudayayo inaysan gacanta ku dhigin oo meel kasta laga raadinayo, halka qoyskiisa uu tilmaamay in xabsi guri la galiyay.

