Dayaardo Warqado Digniin Ah Ku Daayiyey Dagmada Jilib

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarado dagaal ayaa Jimcihii waraaqo digniin ah ku daadiyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo si toos ah ugu socday dadka deegaanka.

Waraaqaha digniinta ah ayaa lagu wargeliyay shacabka reer Jilib in ay ka fogaadaan ku dhex milanka maleeshiyada Al Shabaab, isla markaana ay ka durkaan goobaha ay ku sugan yihiin ama ay ku badan yihiin kooxaha hubeysan. Sidoo kale, fariimaha ayaa lagu adkeeyay in bartilmaameedka weerarrada ay yihiin xubnaha Al Shabaab iyo meelaha ay kaga sugan yihiin magaalada.

Diyaaradaha waraaqaha daadiyay ayaan la aqoon dalka ay ka yimaadeen, balse waxay shacabka u caddeeyeen in howlgallada cirka lagu beegsanayo kooxaha argagixisada, iyagoo ka dalbaday dadka rayidka ah in ay badbaadadooda ilaashadaan kana fogaadaan bartilmaameedyada ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada.

Arrintan ayaa imaneysa saacado kaddib markii diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay duqeymo ka fuliyeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno hoostaga.

Sidoo kale, Khamiistii, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay duqeyn cirka ah ku qaadeen guri ay ku shirayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, kaas oo ku yaalla Magaalada Bu’aale, xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.

Waraaqaha digniinta ah ee lagu daadiyay Jilib ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa in la filan karo weerarro cirka ah oo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo laga fulin doono magaaladaasi.

Degmada Jilib iyo magaalooyinka kale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa muddo ku dhow 18 sano si buuxda uga arriminayay Al Shabaab, iyadoo xusid mudan in Jubbada Dhexe uu yahay gobolka keliya ee dalka ay kooxdu si buuxda gacanta ugu hayso. Jilib ayaa ah xarun muhiim u ah Al Shabaab, maadaama ay halkaasi ka hagaan inta badan hawlgalladooda dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.